Somaliland waa dal qani ku ah khayraadka dabiiciga ah ee kala duwan sida shidaalka. Muddooyinkii u dambeeyey dawladu waxa ay samaynaysay dedaallo ay ku kasbanayso maalgashadeyaal wadani ah iyo kuwo caalami ah labadaba. Dedaalladaa waxa ka mid ah xeerka Sahaminta iyo Soosaarista Shidaalka kaas oo uu Baarlamaanku ansixiyey sannadkii hore. Xeerkan waxa lagu dhaqayaa shirkadaha shidaalka, qandaraasleyda, qandaraaslaha labaad ama hoose iyo shaqaalahooda. Xeerku waxa uu maamulayaa hawlaha shidaal ee laga fuliyo badda iyo berriga labadaba, laakiin wasaaradda ayaa uu siinayaa awoodda samaynta xeer-nidaamiyeyaal iyo hageyaal si gaar ah loogu maamulo hawlaha shidaalka.

Xeerku waxa uu xusayaa rukhsado kala duwan oo ay dalban karaan shirkadaha samaynaya hawlha shidaal, kuwaasi oo kal ah;

1) Rukhsad sahan hordhac ah.

Shirkadaha shidaal ee qaadata rukhsadan waxa ay baadhitaan iyo sahamin ku samayn karaan shidaalka dalka. Codsiga shirkadda kadib, Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu waxa ay ku bixinaysaa rukhsadda sahan hordhac ah muddo 90 maalmood ah. Rukhsaddu ma ah mid cid gaar u ah, Wasaaraddu waxa ay siinaysaa cid kasta oo shuruudaha ogolaansha rukhsadda buuxisa.

Shirkaddu marka ay hesho rukhsaddan kama dhigna in ay leedahay mudnaan gaar ah taasi oo ay wakhtiga dambe ku geli karto heshiiska qodista iyo soosaarista shidaalka. Shirkadda sahaminta samaynaya waa in ay Wasaaradda si lacag la’aan ah ula wadaagtaa xogta iyo macluumaadka shidaalka.

2) Heshiiska Sahaminta iyo Wadaagista Wax-soosaarka.

Wakhtiga heshiiska sahaminta iyo wadaagista wax-soosaarka wasaaradda ayaa si daahfuran ugu baahinaysa warbaahinta dalka iyo ta caalamiga ah heshiiska. Daneeyayaasha soo codsaday heshiiska waxa ay bixinayaan ajuuro ama xadi lacageed ay go’aaminayso wasaaraddu. Muddo lix bilood ah kadib Golaha Wasiirada ayaa go’aaminaya guulaystaha, hadii aanu jirin wax codsi ah wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu waxa uu wadaxaajood la furi karaa shirkado gaar ah.

Rukhsaddan ama Heshiiskan u dhaxeeya Wasaaradda iyo Shirkadda shidaal waxa uu ka koobanyahay laba weji; wejiga koowaad, waa sahaminta shidaalkaalka, mudada heshiiskani kama badnaan karto 10 sanno, halka wejiga labaad ee soosaarista shidaalku aanu ka badan karin 30 sanno. Hadii rukhsad haystuhu doonayo cusboonaysiinta wejiga koowaad ee heshiiskan waa in uu dalbadaa (3)saddex bilood kahor inta aanay dhicin rukhsaddiisu, halka wejiga labaad ay tahay in uu codsado cusboonaysiintiisa (5)shan sanno kahor dhicitaanka rukhsaddu. Xeerku waxa uu dhigayaa in Wasaaraddu soosaarayso xeer-nidaamiye ay ku maamulayso lacagaha uu laga rabo codsadaha.

Xeerku waxa uu awoodda ansixinta heshiisyada shidaal siinayaa Golaha Wasiirada, halka Wasaarada Tamarta iyo Macdantu ay kala noqon karto shirkadaha rukhsadda hadii ay ku xadgudbaan sharcigan, ama shirkaddu kacdo ama deyn gasho ama lagu furo dacwad keeni karta kicitaan.

 

Xuquuqda iyo Waajibaadka Rukhsad haystaha.

Xaqa iyo waajibaadka rukhsad haystaha waxa si faahfaahsan loogu xusayaa heshiiska u dhaxeeya isaga iyo dawladda. Si kastaba ha ahaatee, xeerku waxa uu shirkadaha u dhigayaa xuquuqo iyo waajibaad guud.

  Xuquuqda Rukhsad haysta.

1) Shirkadaha shidaalku waxa ay wada-samayn iskaashi dhanka sahaminta ama qodidda shidaalka ah, waxa se waajib ah in heshiiska la ogaysiiyo Wasaaradda.

2) Shirkaddu waa ay dhoofin kartaa shidaalka taasi oo loo raacayo heshiiska.

3) Shirkaddu waxa ay dhismayaal ka samayn kartaa goobta shidaalka marka ay ogolaato Wasaaraddu.

Waajibaadka Rukhsad haystaha.

1) Shirkaddu waa in ay muddo 48 saacadood gudahood kula wadaagtaa Wasaaradda xogta ay ka hesho shidaalka xiliga fulinta hawlaha shidaal.

2) Shirkaddu waa in ay ilaalisaa xogta iyo macluumaadka shidaalka, waxa se waajib ku ah in ay xog joogto ah siiso Wasaaradda.

3) Shirkaddu waa in ay ilaalisaa bedqabka deegaanka iyo caafimaadka shaqaalaha.

4) Hadii shirkaddu ay goobta shidaalka ka hesho macdan kale ama kheyraad kale oo dabiici ah waa in ay ogaysiisaa Wasaaradda.

5) Shirkaddu waa in ay bixisaa dhamaanba cashuuraha.

6) Hadii ay shirkaddu soo gabagabaynayso hawlaha shidaal waa in ay Wasaaradda u soogudbisaa qorshaha xidhitaanka goobta (closure plan) hal sanno kahor dhicitaanka rukhsadeeda.

7) Shirkadda, qandaraaslaha iyo qandaraaslaha labaadi waa in ay leeyihiin caymis.

8) Shirkaddu waa ay wareejinkartaa hawlaheeda shaqo marka ay ogolaansho ka hesho Wasaraadda.

9) Shirkaddu waa in ay tababartaa shaqaalaheeda wadaniga ah.

10) Ogolaansha siideynta hawada (gas release) waxa ogolaanaya Wasaaradda.

  

Doorka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Marka laga tago doorarka wasaaradeed ee kor ku xusan, Wasaaraddu waxa ay kormeeraysaa hawlaha shidaal ee shirkadda iyada oo u magacaabaysa kormeera awood u leh gelitaanka goobaha hawlaha shidaalku ka socdaan. Xeerku waxa uu waajib kaga dhigayaa rukhsad haystaha in uu fududeeyo hawlaha kormeer isla markaana ugudbiyo kormeeraha xogta uu weydiisto.

Wasaaradda ayaa go’aaminaysa halka lagu aasayo qashinka shidaalka, iyada ayaana masuul ka ah amniga shaqaalaha iyo goobta shidaalka marka ay xaalad degdeg ahi timaaddo.

Xeerku waxa uu awood u siinayaa Wasaarada in ay xayiri karto rukhsadda hadii shirkaddu aanay u fulin hawlaha shidaal sida ugu haboon, sidoo kale waxa uu jidaynayaa ciqaabta shirkadda aan rushsad haysan ee fulisa hawlo shidaal taasi oo ah (3)saddex sanno oo xadhig ah ama hal milyan US dollar ah ama labadaba, hadii uu jiro shidaal la iibiyey ama la isticmaalay shirkaddu waxa ay bixinaysaa magdhawga u qalma.

xeerku waxa uu ciqaabayaa cidda is-hortaagta hawlaha shidaal. Hadii shirkaddu ay u soogudbin weydo Wasaaradda xogta shidaalka waxa ay bixinaysaa ganaax lacageed dhan 50,000 US dollar, halka hadii aanay soogudbin qorshaha xidhitaanka goobta (closure plan) ay mutaysanayso ganaax lacageed dhan 20,000 US dollar.