Xeerkashaqaalaha rayidka ah ee Somaliland waa xeer lagu maamulayo loo-shaqeeyaha iyoshaqaalaaha muwaadiniinta ah ee u shaqayeeya shirkad wadani ama ajaanib ah,ururada wadaniga ama caalamiga ah ee aan dawliga ahayn iyo shaqaalaha ajaanibkaah. Xeerkan laguma dhaqayo Shaqaalaha dawladda, ciidamada, ciyaartoyada iyoshaqaalaha muruqmaalka ah.

Shaqaalaysiinta.

Wakhtiyadashaqo-qorista shirkadaha iyo ururada xeerku waxa uu dhigayaa in laxayaysiiyo shaqada cusub, lana sameeyo guddi ka kooban saddex xubnood oo kakala socda loo-shaqeeyaha, xafiiska shaqaalaha iyo ururka shaqaalaha . Gudiduwaxa ay u xilsaarantay shaqaalaysiinta shaqaalaha cusub, kadib qaadashadashaqaalaha waa in loo gudbiyaa Xafiiska Agaasinka Shaqaalaha ee wasaaraddaheshiiska shaqada. Mudada tijaabinta shaqaalaha cusubi kama badnaan karto laba(2) bilood, oo hal mar la kordhin karo. Mudadan labada dhinacba waa ay ka bixikaraan heshiiska ogaysiis la’aan.

Xeerkuwaxa uu xusayaa in la shaqaalaysiinkaro shaqaalaha ajaanibka ah hadii loogamaarmi waayo xirfaddiisa ama aqoontiisa, isla markaana aanu jirin muwaadin qabankara shaqadaas. Shirkada iyo ururada ay shaqaalahoodu ka badanyihiin shan(5) qof in ay jiritaan kooda ogaysiiyaan Xafiiska Agaasinka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada, Arimaha bulshada iyo Qoyska. Xafiisku waxa uu kor-joogteeyaaisla markaana hubiyaa in goobaha shaqadu fuliyaan xeerka. Kormeerayaashu waxaay geli-karaan goobaha shaqo iyaga oo aan wadanin warqadda waaranka (warrant),hadii ay ku helaan in loo-shaqeeyuhu baalmaray xeerkan waa ay ganaaxi karaan.

Xuquuqda Shaqaalaha.

Shaqaaluhuwaxa ay leeyihiin xuquuqo ay ka midyihiin;

1)      Fasax 30 maalmod ahsanadkiiba.

2)      Fasaxa qaranka oo ah 12maalmood.

3)      Umushu waxa ay leedahay 4bilood oo fasax ah.

4)      Hal saac oo naas-nuujin ahwakhtiga shaqada.

5)      Fasax qoyseed oo 3-7maalmood ah, tusaale ahaan hadii geeri ku timaaddo shaqaalaha.

6)      Saddexdii sannofasax-bukaan oo aan ka badnayn 6 bilood.

7)      Hadii shaqaaluhu shaqeeyosaacado dheeraad ah waxa uu xaq u leeyahay lacag dheeri ah.

8)      Maalmaha iidaha shaqaaluhuwaxay xaq u leeyihiin kalabadh musharkooda billah ah.

9)      48 saacadood wax ka badanshaqaaluhu ma shaqayn karo.

          Shaqaalaha Ajaanibka ah

Ajaanibku waxa uu leeyahay xuquuqo la mid ah kan muwaadinka. Ajaanibka ka shaqaynaya Somaliland ee aan ahayn dan-jirayaasha, dadka dhawrsanaanta haysta (persons with immunity) iyo shaqaalaha ajaanibka ah ee hay’adaha caawinta ka shaqeeya dawladduna heshiis la gashay  waa in aybuuxiyaan shuruudahan;

1)      Waa in baahi loo qaboxirfadda ama aqoonta shaqaalaha ajaanibka ah.

2)      Waa in uu dalka ku joogodal-kugal (visa) ama yahay qaxoonti diwaan gashan.

3)      Waa in aanu ka yaraan 15jir.

4)      Waa in aanu dembi ka gelinSomaliland ama dal kale.

5)      Waa in uu haystaa warqaddaogolaansha shaqadiisa (work permit)

6)      Waa in haystaa warqadcadaynaysa in uu caafimaad qabo.

Ajaanibku si uu u helo warqaddashaqada waa in uu xogtan hoose u gudbiyaa Wasaaradda Shaqada, Arimaha bulshadaiyo Qoyska.

1)      Baasaaboorka qofkiisa, amawarqadda ogolaanshaha qaxoontinimo

2)      Taariikh nololeedkiisa(CV).

3)      Shahaado caafimaad oodhakhtar la aqoonsanyahay ka soo baxday.

4)      Xog ku saabsan noocashaqada uu qabanayo.

5)      Ujeedada iyo sababtashaqaalaynta qofka ajaanibka ah.

6)      Hadii ay shaqadu tahay macallinimoama adeeg caafimaad, waa in uu keenaa ruqsadda ay bixisay wasaaraddawaxbarashada ama W. caafimaadku

Hubintaxogta iyo bixinta warqadda shaqadu waxa ay qaadanaysaa 15 maalmood.

Ka-Bixidda Heshiiska Shaqaalaysiinta.

Xeerkuwaxa uu dhigayaa in dhinac kastaa ogaysiiyo dhinaca kale 6 todobaad ka hor intaaanu heshiiska ka bixin, laakiin hadii shaqaaluhu sameeyo dagaal, amar diido,khiyaano, tuugo, dembi ama gudbiyo xog dhawrsanayn/la-ilaaliyey ama burburiyohantida shirkadda si ula-kac ah heshiiska waa uu ka bixi karaa loo-shaqeeyuhuisaga oo aan mudada ogaysiiska siinin shaqaalihiisa.

Markaay timaaddo dawcad la xidhiidha shaqada dhinacyadu waxa ay u-dacwoonayaan Guddika kooban 5 xubnood (laba wasaaradda ah, hal qof oo ururada shaqaalaha ah,qareen iyo xubin ka timaadda ururada aan dawliga ahayn) oo shaqadoodu tahayka-garniqidda  dawadaha u dhaxeeya shaqaalahaiyo looshaqeeyaha. Hadii midkood uu ku ganciwaayo go’aanka gudida  waxa uu racfaan u qaadan karaa Maxmadda Saremuddo 30 maalmood ah gudahood marka uu go’aanka gudidu soobaxo.